Dhuusamareeb-(SONNA)-Horjooge Mirre Cagdheer iyo laba dhagarqabe oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay tuulada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud, kadib howlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen ciidaanka deegaanka.
Hawlgalkan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo khawaarijtu kaga sugnayd Ceelgaras ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan Horjoogihii degaanka Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Khawaarijta Jabriil kaas.
Maxamed Faarax Geeddi oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyadii khawaarijta halkaasi ku gaaray ay ula carareen magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.