Kismaayo-(SONNA)-Afar ka mid ahaa horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.
Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.
Dhinaca kale, dadka ku dhaqan Tuulada Buulo Xaaji iyo nawaaxigeeda ayaa helay adeegga Internet-ka oo ay horay ugu xannibeen khawaarijta, waxanay shacabku u mahad celiyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee fuliyay howlgalkaasi guuleystay.