Tripoli-(SONNA)-Mohamed al-Kani, oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha malleeshiyaadka fallaagada Libya oo horay loogu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa lagu dilay bariga gobolka Benghazi.
Saraakiisha dalka Liibiya waxay sheegeen in ciidamada amniga ay weerareen guriga Mohamed al-Kani ee ku yaalla magaalada Benghazi, kaas oo la sheegay inuu magaalada Tarhuna ku xasuuqay dad rayid ah.
Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee dalka Libya iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyeen al-Kani inuu mas’uul ka ahaa laynta dad rayid ahaa oo xabaal wadareedyo ay ku jireen laga helay magaalada Tarhunaย ee galbeedka dalkaasi sanadkii la soo dhaafay.