Baydhabo-(SONNA)-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira diyaarinta iyo qabsoomidda doorashada Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii doorashadu ugu dhici lahayd waqtigii loo asteeyay iyo in dhammaan xisbiyada siyaasadda loogu cadaalad falo hannaanka doorashada.
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo waafaqsan shuruucda dalka, taas oo horseedi karta xasillooni siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.
Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sheegay inay ka goโan tahay hirgelinta hannaan doorasho oo hufan, daahfuran isla markaana dhammaan dhinacyadu ay u siman yihiin.