Baladweyne-(SONNA)-Wasaradda caafimadka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lawareegtay Isbitaal qalabeysan oo ay dhistay hay’adda save, kaasi oo laga hirgeliyay Magalada Baladweyne .
Qorane Maxamuud Indhoy oo katirsan wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ayaa umahad celiyay hay’adda save sida ay ugu qeyb qaadaneyso horumarinta adeegyada caafimaadka maamulkaas.
Qaar kamid ah bulshada Magaalada Baladweyne oo ka qeyb galay munasabadda Isbitalka lagu wareejinayay ayaa kamahadceliyay tallaabadaasi.
Maxamed Abuukar Cabdulle madaxa hay’adda save ee Gobolka Hiiraan ayaa shegay in ay sii wadi doonaan caawinta Isbitalkan ay maanta ku warejiyeen maamulka Hirshabeelle, halkaas oo ay bulshadu ka heli karto adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.