Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?
    July 26, 2025
    Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay
    July 26, 2025
    Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti
    July 26, 2025
    Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa
    July 26, 2025
    Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka
    July 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hindisaha Dagaalka Khawaarijta wuxuu ahaa go’aan geesinimo ah (Documentary)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Hindisaha Dagaalka Khawaarijta wuxuu ahaa go’aan geesinimo ah (Documentary)
Maqaallada

Hindisaha Dagaalka Khawaarijta wuxuu ahaa go’aan geesinimo ah (Documentary)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 12, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA);- Iyaga oo si qaldan Diinta Islaamka u turjumaya, qiilna u sameynaya daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ayay ku sii dareen in ay ciqaabaan kumanyaal shacab ah oo ay soo wajaheen abaaro daran.

Khawaarijta Al-shabaab, waxay ku kaceen falal Diinta iyo bini-aadanimadaba ka baxsan oo ay ka mid yihiin in ay aasaan ceelasha ay ka cabaan dadka haraaddan iyo in ay is-hortaagaan in gargaar bini-aadanimo lala gaaro shacabka tabaaleysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamineyn inuu markale qabto talada madaxtinimada Dalka 15-kii May, ayaa u arkay falalka Khawaarijtu in ay yihiin kuwo la sii daawan karin, wuuna qaatay go’aan shacabka Soomaaliyeed iyo midda qaranka lagu badbaadinayo, kaas oo ah in Khawaarijta lala dagaallamo dalkana laga suuliyo.

” Dowladda aan madaxda ka ahay, waxaa ka go’an in colaadda gaamurtay ee argagixisada Al-shabaab la soo gabo-gabeeyo, sidaas daraaddeed shacabka Soomaaliyeed waxaa kula dardaarmayaa in ay noqdaan Daljireyaal Daahsoon oo u taagan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada ah, argagixisadu inagey nagu dhex nooshahay waana inaa iska qabanaa,isbeddel waa inaan ka keennaa sida aan argagixisada ula dhaqmeynaa,”.

Haddaba go’aankaas geesinimada leh ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku horkacay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka dhashay rejo cusub iyo guulo waa weyn oo mustaqbalka dib ugu soo celinaya saaxada nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Madaxweynaha oo ka faa’ideysanaya waayo-aragnimadisii uu ka dhexlay howlgalladii ka dhanka ahaa Khawaarijta muddo-xilleedkiisii hore ee 2012-2017, Aya xitaa intii uu ku jiray ololihiisii doorasho ee 2022, waxaan qorshaha ugu weyn ee uu maskaxda ku hayay ka mid ahaa in Khawaarijta laga ciribtiro Soomaaliya.

Howlgalladu inta aanay bilaaban ka hor, Al-shabaab waxay ku sugnaayeen marxalad Isla-ballaarin iyo hanti uruursi ah oo ay ka sameeyeen dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo iyagoo helay muddo 5-sanno ah oo aan lagu qaadin weerar sidaa u buuran oo looga hortegayo khatarta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayeen.

Degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta waxay kor u dhaafayaan ilaa 90-deegaan oo ay ka mid yihiin kuwa halkan ku tixan, iyadoo ciidamada xoogga Dalka oo taageero ka helaya naftood hibeeyeyaal shacab Soomaaliyeed ah oo Dowladda ka bar bar dagaallamaya ay muddo kooban argagixisada uga sifeeyeen dhul aad u ballaaran.

Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Khatarta Al-shabaab aysan ku koobneyn gudaha Dalka oo qura, balse ay sidoo kale, caqabad ku yihiin amniga gobolka iyo Kan caalamkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya aragtidaas ayaa Muqdisho ku guddoomiyay kullan ay ka soo qeyb galeen madaxda gobolka, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Cismaaciil Cumar Geel, madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed, kullankan ayaa natiijada ka dhalatay noqotay in la isku raacay in saddexdan dal ee safka hore, Soomaaliya ku weheliyaan howlgal loogu magacdaray ” Libaaxa Madow”, oo noqonaya wejiga labaad dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalkan oo Soomaaliya hoggaamin doonto waxaa loogu talagalay inuu qaato muddo kooban, islamarkaan ciidamada ka imaanaya waddamada safka hore ay deg deg ugu laabtaan Dalalkooda, sida qorshuhu yahay.

Howlgallada looga soo horjeedo cadowga goobaha sida weyn looga dareemay in guulo la taaban karo laga gaaray waxaa ka mid ah amniga caasimadda Muqdisho iyo labada gobol ee Shabeelle oo deris la ah caasimadda, kuwaas oo geesiyaasha oo kaashanaya macaawisleyda ay ku bur buriyeeb xarumihii Khawaarijta ay dadka lacaga baadda kaga qaadi jireen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa maanta xarunta dhexe…

July 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Oof-wareenka (warbixin)

Dalalka dunida ayaa manta u dabbaaldegaya xuska ย munaasabadda 12-ka Nofembar oo ah maalinta wacyigelinta cudurka ku dhaca sanbabaha ee loo…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka ย Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta Soomaaliya,gaar ahaan qoraalka Afka Soomaaliga oo kamid ah luuqadaha looga hadlo…

GudahaMaqaallada
January 21, 2025

Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)

Muqdisho.(SONNNA):- Wararka ay warbaahinta qaranka ka heshay deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in ay fashil ku dhammaadeen…

Maqaallada
August 10, 2023

Cabdiraxmaan Muxudiin Dhaloweyn โ€˜Geesi ku dayo mudanโ€™ (WARBIXIN)

Inta aannu gudagalin xogta warbixinta aann marka hore dulmarno taariikhda iyo soogaalka Degmada Ceeldheer, Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay…

GudahaMaqaallada
January 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023