Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed
WararkaWargayska

Hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 1, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa manta ka dhacay Muqdisho, kulanka oo looga dooday howlaha horutabinta u leh dhameeystirka dastuurka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee ay ku shaqeeyaan gudigga Baarlamaanka ayaa qodobada looga dooday waxaa kamid ahaa is-wareysi ku aadan howlaha u qabsoomay seddexda hay’ad iyo howlaha taagan ee u baahan in la qabto.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, wuxuuna yiri:-“Sida aad la socotaan waxa aan kulamo-howleedyo la yeelanay in ku dhow 20 wasaarad oo katirsan XFS, kulamadaas oo lagu lafagurayay wasaarad walba doorka ay ku leedahay dhameeystirka dastuurka si loo helo aragti mideysan oo Dowladda Federaalka ku wajeheyso dhameeystirka dastuurka lagana hortago in hay’adaha dowladda isbar-baryaacaan si aanu dib-u-dhac ugu imaan dhameeystirka dastuurka”.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh ayaa si wadajir ah uga warbixiyay howlaha u qabsoomay iyaga oo sheegay in ay dhamaad ku dhowdahay qodobada dastuurka ee farsamo ahaan u baahan in la saxo.

Sidoo kale labada guddi waxa ay sheegeen iyaga oo fulinaya codsi ugu yimid Gudoonka Baarlamaanka in dhowaan marka uu furmo Kala-fadhiga Baarlamaanka ay horgeeyn doonaan warbixin soo koobeysa howlaha dib-u-eegista dastuurka, iyadoo ugu dambayn, seddexda hey’ad ayaa wax ay ku balameen in la joogteeyo wadashaqeynta lana kordhiyo kulamada la-tashiga dadweynaha si waqtigii loogu talagalay loogu dhameeystiro dastuurka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe

Dhuusameeb-(SONNA)-Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax…

GudahaWararka
September 27, 2023

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida muwaadiniinta ku shahiiday qarax ka dhacay Bardaale

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo…

GudahaWararka
November 19, 2021

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Angola oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka 2-da dal

Adis Ababa,(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan miro dhal ah la qaatay…

GudahaWararka
July 28, 2023

Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed

Muqdisho(SONNA):-Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed. Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay oo ku caan ah in ay ku tacadido shacabka…

MaqaalladaWararka
March 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023