Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa ay deeq gargaar raashin ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ugu qeybisay qoysas ka kooban danyar iyo kuwa naafo ah.
Gargaarkaan ayaa ka faa’iideeystay 1,000 qof, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda SoDMA qoysas naafo ah iyo kuwo danyar ah ay raashin ugu qeybisay degmooyinka gobolka banaadir ,ayadoona SoDMA ay u taagantahay caawinta Bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha gargaarka ee dagmada Deyniile ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, isagoo sheegay in gargaarkan oo ku soo aadday xilli ay baahi badan u qabeen ayna uga mahadnaqayaan gurmadka joogtada ah iyo caawinta ay la garab jogaan dadka jilicsan hoggaanka SoDMA.