Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka u qaybisay 500 oo qays oo ka kooban danyar, barakacyaal iyo dad naafo ah, kuwaas oo ku jira kaam ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Deeqdan oo ay Soomaaliya ugu deeqaday dowladda Turkiga ayaa waxaa ka mahad celiyay qoysaskii ka faa’iideeystay, iyagoo sheegay in ay mucaawinadan heleen xilli ay baahi badan u qabeen.
Dhinaca kale, hayโadda SoDMA ayaa diyaarad sida shixnad gargaar mucaawino ah waxa ay isla u dirtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah oo ay waxyeello kasoo gaareen abaarihii iyo daadadkii halkaasi ka dhacay.