Muqdisho(SONNA);-Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka eeย (SoDMA) oo dadaal xooggan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee ku dhifatay dalka, ayaa gargaar banโaadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.
Deeqdaan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugl ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka maanta gaaray magaalada Laasacaanood.