Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyay shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sarreeyo, kaas oo looga hadlaayay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr, Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay fatahaadda webiga Shabeelle, sida dadka ku barakacay gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha samafalka.
Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo wakiillada uu la kulmay kaga warbixiyey xaaladda magalada Baladweyne, maadaama uu booqasho maalmo qaatay uu ku tagay halkaasi .
SoDMA ayaa toddabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baladweyn iyo deegannada ku xeeran.