Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyo kuwa bah-wadaagta la ah ayaa manta kulan uu heerkiisu sarreeyo ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay dardar gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo sidii gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka.
Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee u qaabbilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waare, Wakiillo ka socda deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, mas’uuliyiin ka socota maamul Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxalliga ah.
Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in ay kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada, si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka.