Muqdisho (SONNA): Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay 3-dhalinyaro ah oo dhawaan laga dhex arkay muuqaalo ay duubtay kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku sheegayaan inay la shaqaynayaan argagixisada.
Dhalilinyaradan ayaa muuqaal dambe oo laga duubay ku sheegay in markii hore ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayna gaareen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyagoo doonaya inay macawisleyda Khawaarijta la dagaalamaysa ku biiraan, balse la badalay fikirkooda, sidaasna ay ugu gacan galeen kooxda Khawaarijta.
Waxa ay sheegeen intii ay la joogeen Khawaarijta inay tageen magaalooyinka Saakow iyo Jilib, ayna la kulmeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan.
Hay’adda NISA ayaa hadda baaritaan ku haysa dhallinyaradan si loo hubiyo sax ahaanshaha macluumaadka ay warbaahinta ka sheegeen.