Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hayโadda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaliyed mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu booqday Baqaarka kaydka xarunta dhexe ee hay’adda oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee raashinka, kaas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.
Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hayโadd ahaan ay u diyaar garoobeen sidii gargaar u gaarsiin lahaa magaalooyinka iyo deeganada gobolada dalka ee dhawaan laga xoreyn doono Khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu horeyo magaalada Ceelbuur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka goโantahay u gargaaridda bulshada Soomaaliyed, waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar mucaawino ah ay u daabuli donaan magalaada Lascaanood oo shacab badan oo dagaalada halkaas ka socda saameyni ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka magaaladaas.
Gguddoomiaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyed in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyed ee dhibaatada mudada badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.