Muqdisho (SONNA): Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay gaarsiisay diyaaradii ugu horaysay oo wada shixnad mucaawino ah taas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee magaaladas ku nool kuwaas oo ay sameysay fatahaada wabiga Shabeelle.
Diyaaradaan ayaa watay 7-tan oo gargaar ah, waxaana maalinta berri ah magaladaas hayโadda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA u diri doontaa ilaa sadax diyaarad oo sida shixnado mucaawino ah.
Shixnadaan gargaarkaan waxaa garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kula wareegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.