Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: February 16, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): ay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, wakiillo ka socday macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.

Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobbada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.

“Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, isla markaana isla-xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”

Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga; wuxuu xoojinayaa hufnaanta qiimeynta iyo shuruudaha qandaraaska; wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qaybta Isgaarsiinta.

Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jadwalka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qorshaha lagu dhammeystirayo.                                                                                                                                    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doontaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay ka hor inta aan la soo saarin nuqulka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’addu waxaa ka go’an horumarinta suuq Isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maanta Maxkamad la horgeeyay

Muqdishu-(SONNA)- Eedaysane Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo…

Wararka
October 6, 2019

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (SONNA) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo…

Wararka
November 30, 2019

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan ka jirta gobolka.

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdirixmaan Cali diiriye Isxal oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19…

GudahaWararka
April 4, 2021

Maxkamadda darajada 1aad ee CQS oo go’aan ka gaartay wiil la isku heystay maalmahan

Muqdisho-(SONNA)-Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshadu ku xariirto ka dib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa…

GudahaWararka
December 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023