Doolow (SONNA)- Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka furtay xarun lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhallaanka oo dadku baahi weyn u qabeen magaalada Dooloow ee Gobalka Gedo
Xaruntan oo dhaqaalaha ku baxay ay ku deeqday dowladda Japan, islamarkaana farsamo ahaan ay fududeysay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dad badan oo dhibaato ku qabay xarumaha caafimaadka.
Xarunta ayaa xooga saari doonta daryeelka carruurta iyo dumarka uurka leh si loola socdo xaaladooda caafimaad.
Dadka barakacayaasha ee ku nool xerada Kasaba ee magaalada Dooloow ayey baahi tiri doontaa xaruntan sida ay sheegtay IOM.
Waxaa halkaasi horay ugu yaalay xarun yar oo aan dabooli karin baahida caafimaad, iyada oo ay sii kordhayaan dadka barakacayaasha ah ee ku sii qul qulaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.