Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed
GudahaWararka

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: February 19, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maamulka gobolada woqooyi ku eedeysay inuu ku kacay falal xadgudubyo heerarkoodu kala duwan yahay oo lagu carqaladeeyey diyaarado isticmaalayey hawada sare ee Soomaaliya, sida lagu sheegay War-saxaafadeed Hay’adda ka soo baxay.

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah. Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala khadadka dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Iyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka duulimaadyada dulmara qeybo ka mid ah gobolada waqooyi ee dalka, kuwaas oo kala ah:

1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.

2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.

3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay’adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la qaaday ayay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruucda duulimaadka caalamka.

Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyeed waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ee isticmaasha addeega Duulista Rayidka

Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ee Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan. Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

Haddaba, haddii ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciga la tiigsan doontaa cid walba oo ku lug leh falalkan guracan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda SoDMA iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay dardar gelinta howlaha Bini’aadannimada Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi uu hor kacaayay Maciej Popowski…

GudahaWararka
May 28, 2024

Ra’iisal wasaare Xamsa oo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalka

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee…

GudahaWararka
January 15, 2024

Xildhibaanada BJFS oo loo gudbiyay nuqulka kama danbeysta ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyay guddoonka Aqalka sare ayaa…

GudahaWararka
March 28, 2024

Kiisaska Karoona Fayris ee Hindiya oo aad u korortay

NEW-DELHI-(SONNA) Wasaaradda caafimaadka dalka Hindiya ayaa sheegtay  in 92,605 kiisas cusub oo Coronavirus ah la diiwaan geliyay  24-kii saac ee…

GudahaWararka
September 20, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023