Muqdisho(SONNA);-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa hourmarin mug leh ku sameeysay Badqabka Duulista Rayidka Soomaaliya iyadoo fulisay dhoolatus ku saabsan ka jawaabidda Xaaladaha Deg-dega ah ee Duulista Rayidka Soomaaliya.
Dhoolatus-kan iyo aqoon-isweedaarsi la socday ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaatay Hay’addaha kala ah Hay’adda Socdaalka, Waaxda Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Ururada Diyaaradaha, shirkadda Diyaaradaha Egypt Air, Barnaamijka Cuntada Aduunka ee WFP, Xafiiska Adeeg gargaarka Hawada ee QM (UNHAS), shirkadda FAVORI LLC, ATMIS iyo UNSOS, isku imaanshahan ayaa saldhig u ah iskaashi dhex-mara bahda Duulista Rayidka Soomaaliya iyadoo go’aan mideeysan lagu horu-marinayo badqabka Duulista Rayidka iyo u diyaar-garowga xaaladaha deg-dega ah ee ka dhalan kara Duulista Rayidka Soomaaliya.
Ujeedada ugu muhiimsan ee dadaalkan ayaa ah in lagu horu-mariyo habka isku-duwida, hubinta habraaca xiriirada iyo sare u qaadida diyaarowga xaaladaha deg dega ah.
Xubnihii ka qeyb-galay kulankan ayaa aad uga faa’ideeystay aqoon-isweedaarsiga, waxaana xooga la saaray waxa la qaban karo iyo meelaha laga liito haddii xaaladi timaado iyo qorshaha tababar ee mustaqbalka si loo helo istaraajiiyad lagu howl-galo. Dadaalkan ayaa muujinaya tilaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.