Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Hayadda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha -NIRA, Md. Cabdiweli Cali Timacadde.
Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii dadka ku barakacay gudaha dalka ee IDPs-ka loo yaqaan loo marin lahaa nidaamka diiwaan-gelinta.
Waxanay soo jeediyeen in ay dowladda bixiso lacagta diiwaan-galinta dadka xerhaya barakaca ku jira, si loo yareeyo loogana hortago leexsashada gargaarka ee lagula kaco dadka nugul.
Ugu danbeeyn, labada Hay’adood ayaa ballan-qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeynta iyo badbaadinta dadka nugul ee ku barakacay gudaha dalka.