Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Hay’adda ADRA-Somalia oo ka shaqeysa Arrimaha Hormarinta iyo Gargaarka oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Mashaariicda Md. Edwin Magati.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo booqasho ayaa looga hadlay sida ay labada hay’adood u wada shaqen karaan, waxaana la isla meel dhigay in laga iska kaashado Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musibooyinka.
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed, ayaa ka mahad-celiyay booqashada, wuxuun aad u boorriyay muhiimadda ay leedahay in ay dhinacyadu iska kaashadaan diyaar-garowga iyo ka jaabista abaaraha iyo guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.