Iyadoo duqeymo culus ay weli ka ka socdaan Gaza oo dhan,haddana 18 urur oo isugu jira UN iyo hay’adaha kale ee bini’aadanimada ayaa soo saaray bayaan ay ku baaqayaan xabad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah oo laga dhaqangaliyo Gaxa.
Baaqaan ayaa imaanaya xilli tirade dhimashada Falastiiniyiin ย ay gaartay 9,922 ruux oo ku dhintay weerarrada Israel ee Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ,halka tirade dhimashada Israa;iil ay mareyso in ka badan 1,400 oo qof .
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 88 ka mid ah shaqaalaha UNRWA lagu dilay Gaza, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee dhimashada Qaramada Midoobay ee abid laga diiwaan geliyo hal dagaal.
Maamulka Dalka Jordan ayaa sheegay in ciidamadeeda cirku ay baarashuut ku daadiyeen gar gaar caafimaad oo la geeyay cusbitaalka goobta Jordan ee Gaza.