Muqdisho,(SONNA):-Inka baddan 20 maleeshiyad ah oo ka tirsan Khawaarijta argagixisada ee Al-shabaab ayaa lagu laayay degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ka dib howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka.
Howlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay Idaacad ay isticmaalayeen Khawaarijta oo halkaas ay ku lahaayeen iyo sidoo kale xaruuntii ay ku diyaarin jireen qaraxyada iyo weerarada si ay dadka shacabka ah uga qalqal galiyaan.
Halkaan kala soco goordhow wixiiย faah faahin-dheeraad ah oo ku soo kordha.