Marka (SONNA): Hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ee qaybta 12-April ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa lagu dilay dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, iyaddoo la bur-buriyey goobo gabbaad ay ka dhiganayeen Argagixisada.
Dhagarqabe-yaal isugu jira horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, ayaa Khawaarijta looga dilay Howlgalkaan, dhaawaca ayaana tiro beel ah, waxaana geesiyaasha ay ku raad-joogaan firxadka cadowga, sida uu warbaahinta u sheegay gaashaanle sare Axmed Cabdi Cali “Axmed gaashaan” taliyaha guutada 7-aad ee qaybta 12 April ciidanka xoogga dalka.