Jowhar (SONNA): Hawlgal lagu naafeeyey kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan u dhow deegaanka LLabo-garasee gobolka Shabeelaha dhexe.
Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo socod ku jiray ayaa waxaa jidka u galay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda, halkaas oo kooxda lagu gaarsiiyey qasaare culus.
Ciiddamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan 5-ka mid dhagarqabayaashii ay jidka u galeen, waxayna ka soo furteen 6-qori oo ay wateen, hawlgalkaas ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyey.