Muqdisho(SONNA);-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo gabagabeysay dacwad la xariirtay maalgalin argagaxiso iyo lacag dhaqis oo lagu helay Ayaan Abuukar Maxamed.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horkenay caddeeymo lid ku ah Ayaan oo sheegayo in Akoon ay laheyd ay dhaqaalo ugu uruurinjirtay argagixisada waxana lagu eedeyay in ay gashay dambiyada lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagixisada, kamid noqoshada koox hubeysan oo kasoo horjeeda Qaranimada Soomaaliyeed.
Ayaan ayaa dhankeed maxkamadda ka hor sheegtay in lambaradeeda lagu furtay akoonada balsa ay gacanteda ka maqanyihiin oo ay isticmaalayeen rag ay horay ugu dhaxday oo aysan ogeyn halka ay jogaan hadda.
Qareennada u doodayo Eedeysanaha ayaa dhankooda sheegay in aysan Ayaan galin dambiyada ay xeer ilaalinta ku soo eedeysay.
Ayaan Abuukar Maxamed oo ay maxkamadda Gobolka ku heshay dembi ah maalgalin argagaxiso iyo lacag dhaqis ayaa lagu ku xukumay 8 sano oo xabsi ah iyo 8 kun oo Dollar oo ganaax ah sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Damaan)