Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah intii u dhaxaysay 2 ilaa 4 December 2025.
Shirka oo ay martigelisay Maxkamadda Xisaabaadka Guud ee Boqortooyada Sucuudiga waxaa ka soo qaybgalay Hayโadaha Hantidhowrka Sare ee 22 dal oo Carbeed, iyadoo ay goobjoog ahaayeen hayโado caalamiya oo ka shaqeeya isla xisaabtanka, la dagaalanka musuqa iyo dowlad wanaagga.
Shirka waxaa laga soo saaray goโaanno iyo talooyin lagu xoojinayo wax ku oolnimada hawlaha hantidhowrka, lagu horumarinayo dowlad wanaagga, laguna taageerayo dedaallada lagu kobcinayo awoodaha hayโadaha hantidhowrka sare ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Hantidhowrrada Carabta, Waxaa sidoo kale dhacay kulan doceedyo lagaga hadlay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga farsamo iyo aqoon wadaagga.
Intii uu shirka socday, Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hayโadaha ka qaybgalay, Waxaa uu diiradda saaray sida loo dhisi karo iskaashi shaqo oo ku saabsan aqoon wadaagga, waaya aragnimada, iyo horumarinta hindisayaasha kor u qaada tayada baarista, Waxaa kale oo uu kala hadlay sidii loo sii taageeri lahaa qorshaha Soomaaliya ee dhijitaaleynta baarisyada hayโadaha dowladda.
