Ankara (SONNA): Hantidhowrayaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga uga qaybgalaya barnaamijka daraasadka iyo horumarinta xirfadaha hantidhowrka, kaas oo ah iskaashi u dhexeeyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga. Barnaamijkan ayaa socon doona muddo toddobaad ah.
Barnaamijka waxaa si rasmi ah u furay hoggaanka sare ee Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Labada dhinac ayaa ka hadlay muhiimada iskaashiga Hayโadaha Hantidhowrka Guud, wadaagga khibradaha, iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo xoojiyo tayada hantidhowrka.
Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed, oo hadal ka jeediyay furitaanka barnaamijka, ayaa uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Turkiga taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leeyihiin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo carrabka ku adkeeyay in tababarkani uu si toos ah uga qayb qaadanayo tayeynta baarista iyo ilaalinta kheyraadka dadweynaha.