Muqdisho(SONNA):-Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC}. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, Tanzania. Kulankan oo soconayay intii u dhaxaysay 15-18ka October, 2024, ayaa ujeedkiisu ahaa diyaarinta qorshe hufan oo loogu talagalay baarista qayb kamid ah hayโadaha EAC, iyada oo la xaqiijinayo in ay si buuxda u daboolaan hayโadaha mashaariicda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} . .
Intii uu kulanku socday, waxa ay Hantidhowrrayaasha Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} si qoto dheer uga doodeen dejinta qorshaha baarista, yoolalka muhiimka ah, iyo kala soocidda masโuuliyadaha, si loo hubiyo in dhammaan hawlaha muhiimka ah loo qabto sida ku cad qorshaha la isku afgartay. Kulanku waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la helo istiraatiijiyad mideysan oo ay iska kaashadaan hayโadaha kala duwan ee ka shaqeeya baarista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} .
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ ๐ waxa uu aaminsan yahay in wada-shaqaynta iyo isfahamka dhex mari doona hayโadaha kala duwan ay fududeyn doonto hirgelinta istiraatiijiyad hufan oo wax-ku-ool ah, taas oo ku salaysan isku xirnaan iyo wada-shaqayn dhow. si loo dhameystiro baarista sanadlaha ah ee mashaariicda Bulshada Bariga Afrika.