Accra (SONNA): Hanti-dhawraha guud ee Qaranka mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka ururka hayโadaha hanti-dhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo maanta ka furmay magaalada Accra ee dalka Ghana.
Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa lagu lafaguri doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin yagleelidda hannaan isla-xisaabtan oo sahlaya xaqiijinta filashada bah-wadaagta, qorshaynta sannadlaha iyo qiimaynta khataraha iyo dabagalka talabixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee hayโadaha hantidhawrada Guud.
Shirka oo ay sanadkan martigalinayso hayโadda hanti-dhawrka guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah hanti-dhawrayaasha guud ee 26 dal oo ku midoobay ururka hanti-dhawrada guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hayโado kale oo ka mid ah bahwadaagta horumarinta caalamiga.
Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulan-doceedyo la yeelan doon qaar ka mid ah hanti-dhawrayaasha guud iyo hayโadaha horumarinta ee shirka goobjoogga ka ah.