Maalin kale oo farxadeed iyo guul u soo hoyatey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cagta saartey tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee East African Community (EAC).
Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21aad OO ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Jamhuuriyadda Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta Guddigii Gaarka ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Ansixintaasi kadib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay bilaabaan habraacii farsamo ee Somalia ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.
Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah.
Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Waxaan wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan masโuuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faaโiidooyin dhanka diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay.
Waxaa Iyana faaโiidooyinkaasi la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo Midowga Baasaboorada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo degaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.
SOOMAALIYA GUUL, SOOMAALIYA HA NOOLAATO.
URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA HA WAARO
Wasiirka Warfaafintaย Dhaqanka iyo Dalxiiska ย XFS Mudane Daaโuud Aweys Jaamac