Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Dr Abdullahi Muse Ahmed ayaa maanta ka guddoomay qaar kamid Hay’adaha deeqaha bixiya, deeq agab caafimaad oo ka kooban dawooyin iyo qalab caafimaad taasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo adeegyadaa caafimaad degaannadii dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.
Deeqdan ayaan la filayaa dhawaan in ay gaarto degaanadaas, waxayna talaabadan imaaneysaa xilli lagu guda jiro dhamaystirka wajigii koowaad ee la dagaalanka khawaarijta,hormuud ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.