Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guutaale“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynta Ceelbuur” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guutaale“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynta Ceelbuur” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Guutaale“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynta Ceelbuur” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 8, 2023
6 Min Read
Share

Muddo 15 sano ayay Argagixisadu gumeyn, silac, dulleyn iyo sumcad dil ku hayeen Ummaddeenna, dhulkeena iyo diinteenaba.  ,marka in lala dagaalamo waa muqadas waa sida aan qabo, waxayna ila tahay in taasi lagu kala qeybsaneyn,  waana waajib diini ah, mid waddani ah iyo mid damiir dadnimo ah in lagu garab istaago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, gacanna ku siiso ciddii uu waajibkaa Qaran ugu yeerto.

Argagixisadu waa qandhada ugu daran ee maanta Qarankeena heysa, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynahu Xasan Sheekh tan iyo maalinkii uu xukunka yimid wuxuu muujiyay ka go’anaan, dhiirranaan iyo daacadnimo ku aadan la dirirka Argagxisada ilaa uu naftiisa iyo hoggaamintiisaba geeyay goobihii dagaalka uu ka furnaa, iyadoo weliba dagaalka wuxuu gelayaa Argagixisada oo nasatay, naaxdeyna shantii sano ee ugu dambeysay iyo iyadoo uu taageero caalami ah u haysanin dagaalka, sababtoo ah loolanka quwadaha waaweyn ee dunida ayaa hoos u riday xamaasaddii, xiisihii iyo xooggii lagula dirirayay Argagixisada.

Xusuusnoow guusha dagaalka waxay ku xiran,  sida la sheegay hadba sida looga soo dhalaalo sababaha guusha keena oo ah; caqiidada dagaal ee ciidanka, kartida hoggaan ee saraakiisha, heerka kala dambeynta iyo isku talinta ciidanka, tayada sirdoon, isku dubbaridka saadka iyo isgaarsiinta, aqoonta dabeecadda dadka iyo deegaanka iyo dejinta khiddada iyo xeeladaha dagaalka.

Haddaba waxaa socda ababulkii ugu dambeeyay ee dagaalka Aagagga badan ee ku aadan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran sidaasi awgeed ayuu Kornel Nuur Xasan Guutaale Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka maamul ahaan ay si weyn  ugu diyaar garoobeen xoraynta Degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha kooban ee wali Khawaarijtu kaga harsan tahay Gobolka Galgaduud, isagoo intaasi ku daray  in shirar badan laga yeeshay xoraynta Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaasi oo lagu qeybsaday waajibaadka dhinac walba ah oo bulshada ka mid ah kaga aadan xoreynta deegaannada ku xeeran Degmooyinkaasi.

“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay in aan qeyb weyn ka qaadano hawlgalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta” ayuu yiri Kornel Nuur, wuxuuna Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay dib u xoreynta dalka, islamarkaana xafiiskiisa shaqada ugu soo wareejiyey magaalada Dhuusamareeb, si uu kaalinta hoggaaminta dagaalka u qaato, taas oo uu sheegay inay tahay mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku weyn.

Dhaqdhaaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda deegaannada Galmudug,  kaasi oo lagu ciribtirayo kooxda xagjirka ah ee Khawaarijta meelaha yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamul-goboleedka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka  lagaga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug, wuxuuna tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee heysata Maamulka Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageeridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan Argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Maamul-goboleedka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Howlgal Qorshaysan ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga Aroortii hore ee saaka ka fuliyeen xaruun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalka lagu beegsaday Garaash weyn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaasi ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana goobtaasina ku halaagsamay Maleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababaraa sameynta Qaraxyada.  Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray Khawaarijta, iyadoo arrintani ay qeyb ka tahay howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan ama ka soo abaabulaan dhagarta Shacabka,  si loo cuuryaamiyo ama loo baabi’iyo awoodda Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo ku marti-qaadan Kulan Dadweyne ay qabaneyso Madasha Minbar

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku marti-qaadan Kulan Dadweyne oo ay qabaneyso Madasha Minbar initiative oo…

GudahaWararka
December 27, 2023

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO KULAN-SANNADEED KAGA QEYB GALAY DEEGAANKA CEELOOW

Warsheekh-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay…

GudahaWararka
June 18, 2024

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan…

GudahaWararka
July 20, 2024

Dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo si habsami leh u socota

Muqdisho-(SONNA)-War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in ay si habsami leh u socdaan toddobaadkii…

GudahaWararka
September 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023