Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
GudahaMaqaalladaWararka

Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 15, 2025
4 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Dalka oo wali wada dabagalka firxadkii Khawaarijta ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana laga soo qabtay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii la jabiyay.

Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay seddax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah, iyadoo howlgalku ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu isna Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa odayaasha dhaqanka iyo Qaar ka mid ah Saraakiil ee gaaray degmadaasi kala wareegay Xoola nool iyo Sahay loogu tala galay Ciidanka Xogga dalka, Maamulka Degmada Ceeldheer oo wakiil ka ah dadka deegaanka ayaana 200 oo Neef oo Ari ah iyo Afar Neef oo Geel ah ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka ee Khawaarijta ka difaacay, kuna laayey degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa bulshada deegaanka oo isugu jiray Ganacsato, qurbo-joog, Odayaal dhaqameed iyo saraakiil, ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejiyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wareejinta Sahayda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga dalka Somaliyeed, Taliyaha Qaybta 21,aad, Taliyaha Qaybta 1,aad ee Gorgor, Taliyaha Booliiska Hirshabelle, Taliyaha Guutada 24,aad ee Khaalid Binu waliid, Taliyaasha Ururada, Abaanduulayaasha Ciidanka, iyo Waxgaradka Deegaanka, waxaana xusid mudan waxaas iyo wax ka badan ayay istaahilaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo la wareegay xoolaha, ayaa maamulka degmada, Saraakiisha, Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka uga mahadceliyay garab-istaagga iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku garab taagan yihiin geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.
Xoolahan oo iskugu jira Ari iyo Geel, ayaa loogu talagalay taageerada ciidanka, kuwaas oo dhowaan degmada Ceeldheer casharro culus ku dhigay maleeshiyaadkii khawaarijta ee deegaanka lagu soo qalday.

Haddaba Warka aadka u fiican ayaa ah in abaalmarin lacageed la guddoonsiiyo Askarigii baajiyay inay qaraxyadu soo gaaraan fariisimaha ciidanka, wuxuuna Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey Askarigii RBG ama Sabanka ku dhuftay ee gubay Gaarigii koowaad ee siday Qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo sidoo kalena, Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay Askarigii fashiliyay Gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu Askarigaasi la helay, waa tii horey loo yiri ” Guushu waa adigoo wax yar cagaha Dhulka ku haya”, taasi ayaana suurtogalisay inay ciidanku guushaasi gaaraan.

Waxyaabaha laga calaamadeeyay dagaalkii Khawaarijtu sida weyn ugu jabtay ayaa waxaa ka mid ah:- in ay kooxda Shabaabku qirtaan inay jab weyn ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay magaalada Ceeldheer, taasi waxay ku tuseysaa in Khwaarijta jab xooggaan la soo gaarsiiyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka…

GudahaWararka
February 5, 2023

Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS xildhibaan Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan…

GudahaWararka
May 30, 2024

Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay dhiggidda roogga cagaaran ee garoonka Stadium Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa daah furtay dhigitaanka roogga…

CiyaarahaWararka
February 11, 2020

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhambaal hambalyo ah ka helay dhiggisa dalka Serbia

Muqdisho, (SONNA): Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay Taliyaha…

GudahaWararka
October 31, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023