Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Guusha laga gaaray hannaankii deyn cafinta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guusha laga gaaray hannaankii deyn cafinta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Guusha laga gaaray hannaankii deyn cafinta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 12, 2025
7 Min Read
Share

23-kii bishii Nofember ee sanadkii hore Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmarka u fadhiya Soomaaiya Steen Sonne Anderson ayaa si wafajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis dowladda Soomaaliya looga cafinayo Lacagihii Deynta ahaa ee Dowladda Denmarka ku laheyd Dowladda Soomaaliya. Wasiir Biixi oo qoraal soo dhigay xilligaasi, isagoo ka hadlaayay heshiiskaasi ayaa waxa uu yiri:- “ waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxaana u mahadcelinayaa dowldda Denmarka oo ah saaxiib qiimo badan oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed eek u talaabsaneyso Soomaaliya”.

Madaxa Heyadda Lacagaha Adduunka Mrs: Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay “Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya”.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska “taariikhiga ah”, isaga oo intaa ku daray in uu “war aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda”. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: “Soomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin”.

10-kii bishan Febraayo ee sanadkan ayay aheyd markii uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige uu ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐛𝐦𝐢𝐭.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxa uu diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran. Mudane Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Wararka laga helay magaalada 𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢, ee cariga Imaaraatka Carabta 𝐔𝐀𝐄 ayaa sheegaya in Wada xaajood muddo dheer socday uu shalay oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025-ka, ayaa waxaa si rasmi ah heshiis uga gaaray Dowladda Soomaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, heshiiskan ayaa xal looga gaaray deyn dhan $257 milyan oo doolar , deyntaas oo ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ee xilligaasi qaadatay, kuna maalgalisay Mashruucii  Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula falgalo ka qeyb qaadashada Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maalgelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaasi oo baahi weyn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Maalgalin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka, kadib markii laga cafiyay deymhii Adduunku ku lahaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoonka Baarlamaanka JFS oo magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka

Muqdisho, (SONNA): Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal…

GudahaWararka
November 7, 2024

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukunno ku ridday rag ku eedeysnaa dil iyo qalqal gelin amni

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto…

GudahaWararka
September 10, 2024

Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro

Dhuusamareeb(SONNA) Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka…

GudahaWararka
August 21, 2020

Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS oo kormeeray taliska guutada 17-aad ee ciidanka Gorgor

Muqdisho-(SONNA)-Si sare loogu qaado la  dareen noqoshada geesiyaasha xoogga dalka iyo dhiiri gelinta ciidanka sida naf hurnimada leh dagaalka ugula…

GudahaWararka
May 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023