Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?
    March 29, 2026
    Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka XFS oo shir muhiimka qabatay
    March 29, 2026
    Ciidamada Qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuunay
    March 29, 2026
    Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay
    March 29, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya
    March 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guuldarooyinka is daba-jooga ah ee ay wajahayaan Khawaarijta oo sababay dagaal dhexdooda ka qarxay (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Guuldarooyinka is daba-jooga ah ee ay wajahayaan Khawaarijta oo sababay dagaal dhexdooda ka qarxay (Warbixin)
Maqaallada

Guuldarooyinka is daba-jooga ah ee ay wajahayaan Khawaarijta oo sababay dagaal dhexdooda ka qarxay (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 26, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay ka fuliyeen gobolladda dalka sida Mudug Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose ayaa khasaaro culus lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta, iyagoo ka firxaday deegaanno fara ku tiris ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo hoggaaminaya howlgalladaas ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee lala galo argagixisada looga dilay ku dhawaad 200-Khawaarij, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal la garanayo oo shacabka baadi jiray.

Sidoo kale Khawaarijta ayay hadda dhexdooda ka qarxay khilaaf daran ka dib markii looga adkaaday howlgallada socda, waxayna bilaabeen in ay dagaallamaan, maadama xaalka ku xumaaday.

Deegaan u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayay 14 xubnood isaga dileen khawaariijta, iyagoo iska dhaawacay tiro intaas ka badan, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Ciidanka lugta ee XDS.

Sidoo kale, deegaanka Shabeellow oo u dhow Qayacad ayaa duqayn iyo hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka, saaxiibbada Soomaaliya iyo xoogagga deegaanku waxay ku dileen 80 dhagarqabe.

Deegaanka Cadaley oo u dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 42 ka tirsanaa khawaariijta, sida noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka oo weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa halkaas ku dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dhulka Generaal Biixi.

Ciidanka xoogga dalka ayaa deegaan ku dhow Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo muddo 10-sano ka badan ay dadka shacabka ah ku dhibaatayn jireen, waana goobihii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaarinta, iyadoo loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Hawlgaladan ugu dambeeyey ayaa si xun loogu naafeeyey khawaariinta taas oo sabab u noqotay in dhexdooda is hiifaan iyagoo qaar ba qaarkooda kale ku eedaynayaan jabkooda,tan oo sabab u noqotay in kooxda khawaariijtu xayiraad saarto qaar ka mid ah horjoogayaasheeda sar sare.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis…

March 29, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  

Muqdisho(SONNA):- 20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada…

GudahaMaqaallada
December 20, 2025

Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal…

Maqaallada
March 16, 2023

30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys…

GudahaMaqaallada
November 11, 2023

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin…

GudahaMaqaallada
October 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023