Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)
GudahaWararka

Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 4, 2025
13 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii 2006, taasoo ka faa’iidaysatay nuglaanta dowladnimo ee dalka ka jirtay xilligaas. Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in ay la wareegto qaybo muhiim ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay kusoo rogeen nidaam ay ugu yeeraan xukun Islaami ah.

Kooxdani waxay dhaqaale sharci-daro ah ka heshaa ilo dhowr ah, sida lacagaha baadda ay ka qadaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay uga magacdareen (Zakawaat), taasoo noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah sii jiritaankooda iyo qaadidda weerarada lagu beegsado dadka rayidka ah iyo xarumaha dowladda .

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay xilka Madaxweynaha bishii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab u qaabaysay istiraatiijiyad saddex-geesood ah: mid ka dhan ah fikirka xagjirnimada, mid ciidan oo milatari ah, iyo mid dhinaca maaliyadda ah oo lagu beegsanaayo ilaha dhaqaale ee ay kooxdani ku tiirsan tahay.

Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa guulaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2022 ilaa July 2025. Waxaa si gaar ah u falanqeynayaa dib-u-habeynta sharciyadeed ee la sameeyay, tallaabooyinka lagu curyaamiyay dhaqaalaha Al-Shabaab, iyo horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda ee u xilsaaran la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

1. Ansixinta Shuruucda Muhiimka u ah La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada

Kadib ku dhawaaqista Madaxweyne Xasan Sheekh ee “dagaalka dhinaca maaliyadda ah” oo lagula jiro ururada argagixisada, DFS waxay hirgelisay shuruucda muhiimka u ah curyaaminta awoodda dhaqaale ee kooxaha xagjirka ah.

Markii ugu horeysay waxaa wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda Iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT ACT 2016), iyadoo lagu soo daray qodobo cusub oo muhiim ah si uu sharcigu ula jaanqaado Talooyinka Caalamiga ah ee kooxda FATF. Dib-u-eegistan cusub waxay si weyn u xoojisay awoodda Xarunta Warbixinada Maaliyadeed (FRC) iyo Hay’adaha Fulinta Sharciga si ay si hufan uga hortagaan dambiyada la xiriira lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Sidoo kale, sannadkii 2023, DFS waxay ansixisay laba sharci oo muhiim ah oo xoojinaya awoodda dalka ee ka hortagga Maalgelinta argagixisada:

• Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman (2023): Iyadoo lagu saleynaayo Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs 1267 iyo 1373), sharcigan wuxuu awood u siinayaa dowladda in ay soo saarto liis qaran oo xayiraad maaliyadeed lagu beegsanayo hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisada, si waafaqsan xeerarka iyo waajibaadka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

• Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada (2023): Sharcigan wuxuu si weyn u ballaariyay awoodaha laamaha baarista iyo hay’adaha garsoorka, isagoo u oggolaaday qabashada iyo xayiraadda hantida ay leeyihiin shakhsiyaadka ama kooxaha lala xiriirinaayo argagixisada.

Shuruucdaan ayaa noqday tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda DFS ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada, waxayna dhidibada u taageen hannaan sharciyeed oo la jaanqaadaya xeerarka caalamiga ah.

2. Adkeynta Hanaanka Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay dejisay habraacyo wada-shaqeyn oo hufan oo lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyadoo hoggaanka hawshan ay leeyahay Guddiga Qaranka ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (NAMLC). Guddigan ayaa si gaar ah u qaabilsan ilaalinta nidaamka maaliyadeed ee dalka si looga hortaggo in kooxaha xagjirka ahi u isticmaalaan ujeedooyin argagixiso.

NAMLC waxay soo saartay qaraaro iyo farriimo wacyigelin ah oo si toos ah ugu wajahnaa ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo uga digaysa bixinta taageero maaliyadeed ama mid agab ah oo lagu gaarsiiyo kooxaha argagixisada. Sidoo kale, NAMLC waxay ku boorrisay dhammaan bulshada iyo ganacsatada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo ay uga shakiyaan inay la xiriirto maalgelinta argagixisada.

Mid ka mid ah guulaha istiraatiijiyadeed ee la gaaray ayaa ah soo saarista liisaskii ugu horreeyay ee Cunaqabateynta Maaliyadeed Ee Heer Qaran, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Liisasakan oo la shaaciyay bilaha Abriil iyo Luulyo 2024, waxaa xayiraad maaliyadeed lagu soo rogay 17 horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, boro-bogaandada, weerarada iyo qaraxyada.

Kadib soo saaridda liisaskan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) waxay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex kamid ah horjoogeyaashii liiska ku jiray:

• Maxamed Mire Jaamac (Mire)

• Nuur Xasan Rooble (Nuunale)

• Bakar Shariif (Baashe)

Tani waxay muujinaysaa sida cunaqabateynta maaliyadeed iyo xogaha istiraatiijiga ahi u horseedi karaan guulo la taaban karo oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, taas oo qayb ka ah dagaalka dowladda ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada.

3. Hoos u Dhaca Awoodda Dhaqaale ee Al-Shabaab

DFS ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah curyaaminta dhaqaalaha argagixisada, iyadoo si toos ah u bartilmaameedsatay ilaha dhaqaale, marinada ay mariyaan lacagaha baadda ah iyo meelaha ay ku keydiyaan. Tallaabooyinkaas oo ay hormuud ka ahayd xarunta FRC, waxaa lagu guuleystay in:

• Xayiraad lagu sameeyay xisaabaadka bangiyada (Banka Accounts) iyo kuwa Ganacsiga (Merchant Accounts) ee lala xiriirinayo argagixisada.

• Xiritaanka lambarrada moobilka ee lagu ururin jiray lacagaha baadda iyo kuwa lagu kaydin jiray lacagaha sharci darrada ah.

Sida ay baahisay SNTV, intii u dhaxaysay 2022 ilaa June 2025, waxaa la xayiray ku dhawaad 3,000 oo ay isugu jiraan xisaabaad banki, kuwa ganaciso iyo taleefan lambaro oo ay kooxaha Al-shabaab u isticmaalaayeen uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday hoos u dhac qiyaastii 30% ah oo ku yimid dakhliga sanadlaha ah ee kooxda Al-Shabaab, taasoo muujinaysa guulaha Dowladda ee curyaaminta dhaqaalaha kooxaha argagixisada.

4. Xukunkii Ugu Horreeyay ee Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya:

Bishii May 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay ay maxkamad Soomaaliyeed ku xukuntay dad lagu helay dambiyo la xiriira maalgelin argagixiso. Tani waxay calaamad u tahay biseylka hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda wada shaqeyn ee ku aaddan la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Xukunadaan ayaa ka dhashay iskaashi dhow oo dhex maray Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (XIG), iyo Hay’adaha Garsoorka. Iskaashigan ayaa suurtageliyay in xogaha maaliyadeed loo bedelay cadeymo maxakamdeed oo horseeday in xukuno lagu rido shaqsiyaadka lagu soo eedeeyey maalgelin argagixiso.

17-kii May 2024, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay Cali Xuseen Isaaq (70 sano jir) ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa maalgelin argagixiso. Maalmo kadib, haweenay lagu Magacaabo Ayaan Abuukar Maxamed (27 sano jir) ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $8,000, iyadoo lagu helay inay fududeysay lacago la xiriira maalgelin argagixiso.

5. Qiimayntii Ugu Horreysay Khatarta Qaran ee la xiriirta lacag dhaqid iyo Maalgelin argagixiso (National Risk Assessment)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay hirgelisay hannaan ku saleysan qiimeynta khatarta (risk-based approach) oo noqday tiir u dub dhaxaad u ah qorshaha qaran ee lagula dagaalamaayo lacag-dhaqidda (ML) iyo maalgelinta argagixisada (TF).

Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dadaalkan waa soosaarista iyo daabacaadda Qiimayntii Ugu Horreysay ee Khatarta Qaran (NRA) ee la xiriirta ML/TF, taasoo si rasmi ah loo baahiyey sanadkii 2022. Qiimeyntaan ayaa ahayd tallaabo istiraatiijiyadeed oo lagu waafajinayo hannaanka qaranka ee AML/CFT iyo xeerarka caalamiga ah ee ay dajisay kooxda Financial Action Task Force (FATF).

Xogta Qiimeynta Khataraha Qaran (NRA) ayaa bixisay falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan:

• Khataraha sare iyo meelaha u nugul;

• Caqabadaha hay’adaha iyo nidaamyada;

• Qaybaha ama hay’adaha u nugul in lagu takri-falo ama loo isticmaalo maalgelin argagixiso.

Natiijooyinka kasoo baxay NRA-du waxay saldhig u noqdeen:

• Dejinta siyaasado istiraatiijiyadeed;

• Dardargelinta kormeerka hay’adaha maaliyadeed;

• Horumarinta barnaamijyo lagu dhisayo awoodda hay’adaha.

Qiimeyntan waxay caddeysay sida DFS uga go’an tahay dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, lehna awood uu kaga hortaggo khataraha la xiriira dambiyada abaabulan iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo loo maraayo hannaan waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

6. Hirgelinta Waajibka Aqoonsiga Qaran (National ID)

Si looga hortago nuglaanta la xiriirta aqoonsiyada been abuurka ah, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa 29-kii Luulyo 2025 soo saaray qaraar waajib ka dhigaya in la adeegsado Aqoonsiga Qaran (National ID) marka la furaayo ama la cusboonaysiinaayo xisaabaadka bangiyada.

Amarka Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka wuxuu xaqiijinayaa:

• in laga hortaggo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.

• In la xoojiyo waajibaadka “Baro Macmiilkaaga” (KYC) iyo Hawlaha Hubinta Macaamiisha (CDD).

• In la hagaajiyo raadraaca iyo isla xisaabtanka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed.

6. Xoojinta Iskaashiga Gobolka iyo midka Caalamiga ah

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashiga ay la leedahay gobolka iyo caalamka intaba, si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dagaalka ka dhanka ah lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waxayna xubin firfircoon ka noqotay Ururka La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF). Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa hannaanka qiimeynta is-weydaarsiga (Mutual Evaluation Process), taasoo lagu qiimeynaayo dhameystiranka shrucuucda dalku u dajiyey la dagaalanka lacag dhaqidda iyo Maalgelinta argagixisada iyo heerka ay gaarsiisantahay wada shaqaynta hay’adaha u xilsaaran howlahaasi.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday dadaallada ku aaddan ku biirista Kooxda Egmont, si ay uga mid noqoto shabakadda caalamiga ah ee FIUs, taasoo suurta gelinaysa is-weydaarsiga xogaha sirdoonka maaliyadeed oo ammaan ah (Secure Financial Intelligence D). Si loo gaaro yoolkan, FRC waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka sharciga, dhisidda awoodda hay’adeed, iyo tayeynta hababka falanqaynta xogta.

Intaas waxaa dheer, FRC waxay saxiixday heshiisyo is-afgarad ah (MoUs) oo ay la gashay hay’adaha dhigeeda ah (FIUs), si loo xoojiyo is-weydaarsiga xogta, falanqaynta khatarta wadajirka ah, iyo iskaashiga farsamo.

7. Talooyinka Istiraatiijiyadeed oo lagu Xoojinayo Dadaallada Soomaaliya ee Ka Hortagga Maalgelinta Argagixisada

Si loo adkeeyo guulaha jira loona wajaho khataraha cusub, Soomaaliya waa in ay mudnaanta siisaa qodobbadan soo socda:

• Kordhinta wacyigelinta dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada

• Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay

• Kobcinta awoodda hay’adaha iyo horumarinta tiknoolajiyadda

• Cunaqabataynta joogtada ah ee hogaamiyeyaasha Al-Shabaab

• Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda iyo xakameynta khataraha cusub

• Xoojinta iskaashiga caalamiga ah

Qoraa:  Cabdiwahab Maxamed Cabdirahman

Khabiir sare Arrimaha AML/CFT ahna Baare Dambiyada Maaliyadda

Xarunta Warbixinada Maaliyad (FRC)

abdimohame0101@gmail.com // abduwahab.abdirahman@frc.gov.so

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Granit Xhaka oo raali galin u diray taageerayaasha kooxda Arsenal, kaddib dhacdada kulankii Crystal Palace

London(SONNA)-Kabtanka kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray fariin raali galin ah, kaddib…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Wasaaradda arimaha guddaha oo daah-furtay shir looga arinsanayo nidaamka diiwaangalinta madaniga ah+Sawiro

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS  Adam Abdinasir  ayaa maanta daahfuray Shirka heer wasiir ee looga arrinsanayo dib…

GudahaWararka
May 25, 2021

Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo ku boorisay xujeyda inay xili hore u diyaar garoobaan gudashada Xajka 

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa ku boorisay xujeyda sanadkan ee haysata visaha ama ogalaasha xajka ee mareegta NUSUK…

GudahaWararka
May 20, 2024

Soomaaliya oo loo ansixiyey Mashruuca maalgalinta Adkeysiga Cimilada

Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa loo ansixiyey Mashruucii ugu horeeyey oo gaar u ah maalgelinta sare u qaadidda Adkeysiga Cimilada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda…

GudahaWararka
October 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023