Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
CiyaarahaGudaha

Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC vs Muqdisho City Club iyo Elman FC vs  Dekedda FC, ciyaaraha ayaa ka kala dhici doona garoomada kala ah Jaamacadaha Stadium iyo Eng Yariisoow Stadium.

Garoonka Jaamacadaha ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka General Daa’uud kal ciyaareedkan waana ciyaarta dhaxmari doonta  kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club.

XAQIIQDA KULANKAN:-

Kooxda Horseed FC ayaa kulankan wuxuu u yahay mid guul ama geeri ah taas oo aan kala jeedno inay u furan tahay labo wado oo kala ah  in ay kala dirto wiilasha Muqdisho City Club oo ay ka adkaato ama in ay barbaro  ka hesho kooxdan, iyadoo ku xisaabtameysa kooxda Elman oo la dheeleysa Naadiga la dhaala dhaceysa guuldarrooyinka ee Dekedda,  waxayna u baahan tahay Horseed in ay xaqiijiso u soo bixintaanka wareegga xiga ee tartanka General Daa’uud.

Horseed waxay iminka leedahay afar dhibcood, halka naadiga Muqdisho City Club goor hore ay xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga koobka General Daa’uud fasal ciyaareedkan, laakiin sheekada waxay ka taagan tahay kaalinta koowaad, haddii kulankan ay Horseed ka adkaato Muqdisho City Club waxay hoggaanka u qaban doonta Guruubkan B iyadoo lahaan doonta 7- dhibcood halka Muqdisho City Club ay kaalinta labaad ugu soo bixi doonto 6-dhibcood, balse haddii Muqdisho City Club ay badiso ama ay barbaro gasho iyada ayaa kaalinta koowad ku soo bixi doonta.

Guruubkan B waxaa ku jiray illaa afar kooxood oo kala ah; Dekedda FC , Elman FC, Muqdisho City Club iyo Horseed FC, waxaa si rasmi ah isaga haray tartankan kooxda Dekedda FC, waxaana raaci doona midkood Horseed iyo Elman FC.

Elman waxa ay leedhahay 1-dhibic waxayna kulankeeda ugu dambeeya la dheeli doonta Dekedda, haddii ay ka soo adkaato Dekedda waliba goolal saadex kor u dhaafay ku disho Dekedda, Horseed na laga adkaato waxay taas noqonaysa in Elman soo bixi doonto Horseedna hari doonto, laakiin Horseed oo ka adkaato Muqdisho City Club ama barbaro la gasho waxay taas ka dhignan doonta in Horseed ay soo baxdo, Elman iska harto xita haddii Elman ay ka soo adkaato Dekedda FC.

Kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa ku taamaysa inay ka aar-gudato kooxda Muqdisho City Club iyadoo wali xusuusata final-kii koobkan General Daa’uud in rigooreyaal 4-3 loogu qaaday Horseed, xilligaasna ay ku guuleysatay Koobka naadiga Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC iyo Muqdisho City Club

Garoonka: Jaamacadaha

Saacada: 3:30 Galabnimo

Dhanka kale garoonka Eng Yarsiisow Stadium ayaa waxaa ku hardami doona kooxaha kala ah Dekedda FC iyo Elman FC.

Naadiga Dekedda FC ayaa goor hore iskaga hartay tartanka General Daa’uud halka NBaadiga Elman ay rajo ku nool tahay taas oo ka dhur-sugeyso kulanka dhaxmari doona kooxaha Horseed FC iyo Muqdisho City Club.

Elman kaliya waxay ku farxaysa in laga adkaato Horseed iyadan ay ka soo badiso Dekedda waliba goolal saddex gool iyo ka badan si ay booska labaad ay farqiga goolasha ugula baxdo Horseed.

Ogeysiis Kulanka:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Elman Vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Maareeye oo Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka

Rome (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka…

GudahaWararka
February 13, 2025

Sanatar Xuseen Daahir oo ka qayb galay shirka 10-aad ee Baarlamaanka adduunka

Muqdisho(SONNA):-Sanatar Hussein Mohamed Dahir oo matalaya Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ka qayb galay shirka 10aad ee Baarlamaanka adduunka ee looga…

GudahaWararka
May 20, 2024

Ra’iisal wasaaraha XFS oo shir guddoonashay kulan looga hadlayay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta…

GudahaWararka
September 12, 2021

Ciidamada xoogga dalka oo deegaanno hor leh kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab

Muqdisho.(SONNA): Howlgal uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka billoowday deegaanno dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee…

GudahaWararka
April 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023