Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
CiyaarahaGudahaWararka

Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 20, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC vs Muqdisho City Club iyo Elman FC vs  Dekedda FC, ciyaaraha ayaa ka kala dhici doona garoomada kala ah Jaamacadaha Stadium iyo Eng Yariisoow Stadium.

Garoonka Jaamacadaha ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka General Daa’uud kal ciyaareedkan waana ciyaarta dhaxmari doonta  kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club.

XAQIIQDA KULANKAN:-

Kooxda Horseed FC ayaa kulankan wuxuu u yahay mid guul ama geeri ah taas oo aan kala jeedno inay u furan tahay labo wado oo kala ah  in ay kala dirto wiilasha Muqdisho City Club oo ay ka adkaato ama in ay barbaro  ka hesho kooxdan, iyadoo ku xisaabtameysa kooxda Elman oo la dheeleysa Naadiga la dhaala dhaceysa guuldarrooyinka ee Dekedda,  waxayna u baahan tahay Horseed in ay xaqiijiso u soo bixintaanka wareegga xiga ee tartanka General Daa’uud.

Horseed waxay iminka leedahay afar dhibcood, halka naadiga Muqdisho City Club goor hore ay xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga koobka General Daa’uud fasal ciyaareedkan, laakiin sheekada waxay ka taagan tahay kaalinta koowaad, haddii kulankan ay Horseed ka adkaato Muqdisho City Club waxay hoggaanka u qaban doonta Guruubkan B iyadoo lahaan doonta 7- dhibcood halka Muqdisho City Club ay kaalinta labaad ugu soo bixi doonto 6-dhibcood, balse haddii Muqdisho City Club ay badiso ama ay barbaro gasho iyada ayaa kaalinta koowad ku soo bixi doonta.

Guruubkan B waxaa ku jiray illaa afar kooxood oo kala ah; Dekedda FC , Elman FC, Muqdisho City Club iyo Horseed FC, waxaa si rasmi ah isaga haray tartankan kooxda Dekedda FC, waxaana raaci doona midkood Horseed iyo Elman FC.

Elman waxa ay leedhahay 1-dhibic waxayna kulankeeda ugu dambeeya la dheeli doonta Dekedda, haddii ay ka soo adkaato Dekedda waliba goolal saadex kor u dhaafay ku disho Dekedda, Horseed na laga adkaato waxay taas noqonaysa in Elman soo bixi doonto Horseedna hari doonto, laakiin Horseed oo ka adkaato Muqdisho City Club ama barbaro la gasho waxay taas ka dhignan doonta in Horseed ay soo baxdo, Elman iska harto xita haddii Elman ay ka soo adkaato Dekedda FC.

Kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa ku taamaysa inay ka aar-gudato kooxda Muqdisho City Club iyadoo wali xusuusata final-kii koobkan General Daa’uud in rigooreyaal 4-3 loogu qaaday Horseed, xilligaasna ay ku guuleysatay Koobka naadiga Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC iyo Muqdisho City Club

Garoonka: Jaamacadaha

Saacada: 3:30 Galabnimo

Dhanka kale garoonka Eng Yarsiisow Stadium ayaa waxaa ku hardami doona kooxaha kala ah Dekedda FC iyo Elman FC.

Naadiga Dekedda FC ayaa goor hore iskaga hartay tartanka General Daa’uud halka NBaadiga Elman ay rajo ku nool tahay taas oo ka dhur-sugeyso kulanka dhaxmari doona kooxaha Horseed FC iyo Muqdisho City Club.

Elman kaliya waxay ku farxaysa in laga adkaato Horseed iyadan ay ka soo badiso Dekedda waliba goolal saddex gool iyo ka badan si ay booska labaad ay farqiga goolasha ugula baxdo Horseed.

Ogeysiis Kulanka:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Elman Vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Laftagareen oo Kulan la yeeshay guddoomiye Mursal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guriga uu ka deganyahy magaalada Muqdisho  kulan  kula yeeshay Guddoomiyaha…

GudahaWararka
November 5, 2021

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay ehelada iyo qaraabadii Marxuum Cali Khaliif Galayr +Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul…

Wararka
October 13, 2020

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay dowladda

Kismaayo-(SONNA)-Ibraahim Nuur oo magaciisa afgarashadu yahay (Farxaan) kana tirsanaa kooxda argagixisada ayaa isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee…

GudahaWararka
June 18, 2025

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal dhan ah Khawaarijta ka Sameeyay degmada Qoryooley 

Muqdisho,(SONNA):-Howlgal qorshaysan oo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo kaashanayey dadka deegaanka ka sameeyeen degmada Qoryooley waxaa ay ku wareejiyeen bar-control…

GudahaWararka
July 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023