Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
CiyaarahaGudahaWararka

Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 20, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC vs Muqdisho City Club iyo Elman FC vs  Dekedda FC, ciyaaraha ayaa ka kala dhici doona garoomada kala ah Jaamacadaha Stadium iyo Eng Yariisoow Stadium.

Garoonka Jaamacadaha ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka General Daa’uud kal ciyaareedkan waana ciyaarta dhaxmari doonta  kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club.

XAQIIQDA KULANKAN:-

Kooxda Horseed FC ayaa kulankan wuxuu u yahay mid guul ama geeri ah taas oo aan kala jeedno inay u furan tahay labo wado oo kala ah  in ay kala dirto wiilasha Muqdisho City Club oo ay ka adkaato ama in ay barbaro  ka hesho kooxdan, iyadoo ku xisaabtameysa kooxda Elman oo la dheeleysa Naadiga la dhaala dhaceysa guuldarrooyinka ee Dekedda,  waxayna u baahan tahay Horseed in ay xaqiijiso u soo bixintaanka wareegga xiga ee tartanka General Daa’uud.

Horseed waxay iminka leedahay afar dhibcood, halka naadiga Muqdisho City Club goor hore ay xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga koobka General Daa’uud fasal ciyaareedkan, laakiin sheekada waxay ka taagan tahay kaalinta koowaad, haddii kulankan ay Horseed ka adkaato Muqdisho City Club waxay hoggaanka u qaban doonta Guruubkan B iyadoo lahaan doonta 7- dhibcood halka Muqdisho City Club ay kaalinta labaad ugu soo bixi doonto 6-dhibcood, balse haddii Muqdisho City Club ay badiso ama ay barbaro gasho iyada ayaa kaalinta koowad ku soo bixi doonta.

Guruubkan B waxaa ku jiray illaa afar kooxood oo kala ah; Dekedda FC , Elman FC, Muqdisho City Club iyo Horseed FC, waxaa si rasmi ah isaga haray tartankan kooxda Dekedda FC, waxaana raaci doona midkood Horseed iyo Elman FC.

Elman waxa ay leedhahay 1-dhibic waxayna kulankeeda ugu dambeeya la dheeli doonta Dekedda, haddii ay ka soo adkaato Dekedda waliba goolal saadex kor u dhaafay ku disho Dekedda, Horseed na laga adkaato waxay taas noqonaysa in Elman soo bixi doonto Horseedna hari doonto, laakiin Horseed oo ka adkaato Muqdisho City Club ama barbaro la gasho waxay taas ka dhignan doonta in Horseed ay soo baxdo, Elman iska harto xita haddii Elman ay ka soo adkaato Dekedda FC.

Kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa ku taamaysa inay ka aar-gudato kooxda Muqdisho City Club iyadoo wali xusuusata final-kii koobkan General Daa’uud in rigooreyaal 4-3 loogu qaaday Horseed, xilligaasna ay ku guuleysatay Koobka naadiga Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC iyo Muqdisho City Club

Garoonka: Jaamacadaha

Saacada: 3:30 Galabnimo

Dhanka kale garoonka Eng Yarsiisow Stadium ayaa waxaa ku hardami doona kooxaha kala ah Dekedda FC iyo Elman FC.

Naadiga Dekedda FC ayaa goor hore iskaga hartay tartanka General Daa’uud halka NBaadiga Elman ay rajo ku nool tahay taas oo ka dhur-sugeyso kulanka dhaxmari doona kooxaha Horseed FC iyo Muqdisho City Club.

Elman kaliya waxay ku farxaysa in laga adkaato Horseed iyadan ay ka soo badiso Dekedda waliba goolal saddex gool iyo ka badan si ay booska labaad ay farqiga goolasha ugula baxdo Horseed.

Ogeysiis Kulanka:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Elman Vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

Muqdisho (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo…

GudahaWararka
March 27, 2024

Taliyaha NISA oo gaaray degmada Maxaas

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray…

GudahaWararka
June 12, 2024

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo…

GudahaWararka
February 7, 2022

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo la kulmay Wafdi ka socda Turkiga

Muqdisho.(SONNNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku…

GudahaWararka
July 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023