Muqdisho (SONNA)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa Muqdisho ugu geeriyooday cudurka COVID-19, sida ay qaraabadiisu sheegeen, waxaana uu Ehelka, qaraabadiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Ugaas-ka oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka ugu muhiimsan gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo qarabaadiisa uga tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Ugaas Xassan Ugaas khaliif ugaas Rooble oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
โInnaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun Waxaan Umadda Soomaaliyeed guud ahaan qoyskiisa iyo ehelkiisa uga tacsiyadeynayaa geerida Allaha ha u naxriistee Ugaas Xassan Ugaas khaliif ugaas Rooble Waxaan alle uga baryayaa in hoygiisa uu ka dhigo janatul fardowsa kitaabkiisana gacanta midig ka siiyoโ ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.
Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda iyo madax dhaqameed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Ugaas-ka oo muddo dheer ka mid ahaa cuqaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, kaalina ka soo qaatay dib u heshiisiinta bulshada.