Muqdisho (SONNA)-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali jeeyte Cismaan ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho ku booqday Dhaawacyadii ku Waxyee’loobay qaraxyadii khawaarijta Al-shabaab Iyo dagaaladii lala galay ee tooska ahaa asigoo Mid-mid uga wareeystay bukaanada xaaladooda Cafmaad ee guud.
Wariye khaalid Cismaan (Ilkacase) oo kamid ahaa Dadkii ku wax yeeloobay qaraxii Degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan iyo Dadkale oo Shacab Ahaa ayuu guddoomiyaha u kuur’galaya xaaladooda Cafmaad .
Asigoo xusay in wariye khaalid ilkacase uu markii Sadaxaad u dhaawacmay u qidmeeynta Dadkiisa Gudoomiyaha ayaa alle uga baryay cafmaad taam Ah inuu siiyo.
Gudoomiyaha ayaa Alle SWT uga baryay dhamaan Shacabka dhaawaca ah inuu Cafmaad taam ah siiyo bukaanadda ku wax Yeeloobay dhagarta khawaarijta asigoo balan Qaaday in xaaladooda si Dhaw loola socon doono.