Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa mantaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo ka dhacday Xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile.
Shaqaaqadaas oo dagaal fool foolka ah isku badashay waxay u dhexeysey Ciidamada Degmada Deyniile iyo dabley hubeysan oo ay Maamulka degmadu ku sheegeen in ay dhul-boob samayeen
Duqa Magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu ka dhacay dagaalka, waxa uuna sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkasta oo ku xad gudubta sharciga.
Gudoomiyaha Gabolka Banaadir oo ku baxay xalinta dagaal ka dhacday Xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile.
