Muqdisho (SONNA):ย Gudiyada aqalka sare iyo gobolaha shacabka ee Baarlamanka FS ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa looga hadlay ku noqoshada miisaaniyadda Qaranka ee 2023ka, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen isbadalada ku yimid madaxyada maaliyadda qaarkood.
Baarlamanka Jamhuuriyadda FS ayaa todobaadkan la horkeenay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, taas oo wali doodeedu ay socoto.