Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyoย ku xigeenkiisa koowaad Cali Shacbaan Ibraahim.
Kulanka guddoonka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa looga hadlay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal, iyagoona iska xog-wareystay dardargelinta shaqada baaxada leh ee hortaala labada gole.
Guddoonnada labada gole ee Barlamaaka Soomaaliya ayaa kulankooda uga hadlay waqtiga rasmiga ee uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal, Madaxda ayaa isla qaatay in waqtiga furi doono Kalfadhiga 4-aad ay jadwaleyn doonaan Guddiga Joogtada ee labada Gole.