Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay wafdiga walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo booqasho ku jooga Soomaaliya.
Kulanka qadada ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, Xildhibaano iyo madaxda kale oo ka soctay Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ugu horeeyo Wasiirka Caadaaladda iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre, ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida walaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa wafdiga walaalaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, u sheegay in aanu marti aheyn ee ay joogaan dalkooda, waxaana uu xusay in la xoojiyo iskaashiga labada dowladood.