Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay doorkii uu marxuum Cali Khaliif Galeyr ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya oo horumarsan, isla markaana la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.