Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro
Wararka

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 14, 2020
3 Min Read
Share

Viena(SONNA) Guddoomiye ku-xiggeenka Labaad Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Mahad Cabdalle Cawad oo safar shaqo ku joogay maalmihii ugu dambeeyay caasimadda dalka Austria ee Vienna ayaa halkaas kulamo kula yeeshay Madaxda Golaha Xeer-dejinta ee dalka Austria oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada baarlamaan,Sidoo kalena Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka waxa uu kulan gaar ah la qaatay Guddoonka Guddiga Ka Hortagga Argagixisada ee Ururka Baarlamaanada Adduunka IPU iyada oo la isla meel dhigay in Guddigaasi uu booqasho ku yimaado Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho si loo hirgaliyo diyaarinta barnaamijyo istraatijiyadeed oo looga hortago argagixisada, xagjirnimada iyo dambiyada caalamiga ah.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-Xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka wuxuu kulan laba-geesood ah la qaatay Marwo Ghada Fathi oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay (UNOV) ee Xarunta Vienna ahna Madaxa Fulinta ee Xafiiska Ka Hortagga Dambiyada iyo Maandooriyaha (UNODC), waxayna labada dhinac ka wadahadleen sidii loo dardargalin lahaa adeegyada UNODC dhanka meelmarinta heshiisyada caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada abaabulan, heshiisyada ka hortagga tahriibka, xeerarka la-dagaalanka argagixisada iyo maalgalintooda, tababarada ciidamada amaanka, dhaqancelinta dhalinyarada ka soo baxda kooxaha nabad-diidka iyo howlaha lagu daryeelayo iyo dadka ay saameeyaan dambiyada la xiriira tahriibinta.

Labada dhinac Waxay isla garteen in la dardargaliyo mashaariic lagu xoojinayo hawlgalada hay’adaha amniga, Garsoorka Madaxa-bannaan, Xafiiska Xeer-ilaalinta, hay’adaha maaliyadda sida Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka, Bangiga Dhexe iyo Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Dhinaca kale waxa Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka waxa uu ka qeyb galay shirweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Atoomikada Aduunka IAEA oo uu Soomaaliya ku matalayay shir weynaha Marka uu soo dhamaadayna waxa uu kulan gaar ah ka qaatay Madaxa ugu sareeya Hay’adaasi Rafeal Mariano Grossi.

Hay’adda Atoomikada Aduunka waxaa ku mideysan 171-dal oo caalamka ah oo ay ka mid yihiin dhammaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, iyada oo dalalka dhaqaalahoodu soo korayo uga faa’iideystaan ilaalinta xuduudahooda iyo badqabka shacabkooda. Soomaaliya wali xubin kama noqon midowga Hay’adda Atoomikada Aduunka iyada oo ay jirto in xeebaha Soomaaliya ay saameeyeen sunta haraadiga warshadaha ah ee lagu daadiyo xeebaheeda,wuxuuna Madaxa ugu sareeya hay’adan uu sharaxaad ka bixiyey mashaariicda ay ka faa’iidaan inta badan dalalka ka tirsan Qaramada Midoobay.

ka mid noqoshada Soomaaliya ee Hay’adda Atoomikada Aduuunka ayaa ah mid u furan si ay ugaga faa’iideysato dhanka ilaalinta xuduudaha Soomaaliya, badqabka caafimaadka shacabka, dhowrista xeebaha Soomaaliya iyo hantida dabiiciga ah dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda waxbarashada oo heshiis la saxiixatay hay’adda Samafalka ee Qatar

Muqdisho (SONNA): Heshiiskan ayaa waxa goobjoog ka ahaa safiirka Dowladda Qatar u joogo Soomaaliya, wafdi ka socday Wasaaradda Dhaqanka Dowlada…

GudahaWararka
January 31, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Muqdisho (SONNA): Madaxwaynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo tacsida AUN…

GudahaWararka
September 16, 2024

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo maanta xilka la wareegaya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ugala…

GudahaWararka
May 3, 2025

Ciidanka kumandooska Danab oo dilay horjooge Al-shabaab ah

Ciidanka kumandooska danab ee xoogga dalka somaliyeed ayaa degaanka caliyoow baroow ku dilay horjooge amiir u ahaa argagixisada alshabaab laguna…

Gudaha
July 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023