Muqdisho (SONNA) Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshir “Abshirow” ayaa shir guddoomiyay kulanka 13aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa looga hadlay Hindise Sharciyeedka Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa go’aamiyeen in labada Hindise Sharciyeed lagu soo daro ajendooyinka ugu soo horeeya ee Kulanka Guud ee Golaha Shacabka.