Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab oo uu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ballaaran ku sameeyay.
Munaasabaddan xarig jarka Kawaanka Ansalooti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa Shacabka Degmada Xamar-jajab kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka isla markaana ay ka shaqeyn lahaayeen bilicda iyo nadaafadda, wuxuuna ballan qaaday in mashaariic kale oo horumarineed laga hirgelin doonno Degmada Xamar jajab.