Muqdishu- (SONNA)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Flish ayaa waxaa maanta dhagax dhigay wadada jaale siyaad oo xiriirisa isgoysyada korontada iyo xoosh ee magaalada Muqdisho.
Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha degmooyinka Dharkeynle Guhaad Sheekh Xasan iyo guddoomiyaha degmada wadajir Bashiir Maxamed Cali.
Wadada ayaa waxa ay marin muhiim ah tahaya dadweynaha ku nool labada dagmada, maadaama ay ka mid tahay waddooyinka ugu ganacsiga badan iyadoo ay yallaan suuqyo iyo goobo kale .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa kula dardaarmay shacabka dagmooyinka wadjir iyo dharkeeynley in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan nadaafadda.